Dibad baxyo iyo Caro xoogan oo ka dhalatay Been ay sheegtay dowlada Iran (Daawo Sawirada)

Waxaa magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday diyaaradii rayidka ahaa ee soo rideen milatariga Iran iyo sida dowlada markii hore u inkirtay ugana been sheegtay diyaaradaasi lasoo riday.

Dadka banaan baxa dhigayay oo iisugu soo baxay banaanka hore ee labo Jaamacadood ayaa aad uga careesnaa diyaarada lasoo riday iyo sida dowlada Iran markii hore uga been sheegtay warbixinadii soo baxayay ee sheegayay in gantaal lagu dhuftay Diyaarada  .

Waxa ay dibad baxayaasha dowlada Iran ku sifeeyeen mid been badan oo runta qarisa, waxaana dibad baxayaasha sidoo kale dalbanayeen in cadaalad helaaan ehelada dadkooda ku dhinteen Diyaarada.

Ciidamada amaanka Iran ayaa xoog u adeegsaday in ay kala eryaan banaan baxayaasha oo arday u badnaa kuwaa oo codsanayay in  ay is casilaan Hogaanka sare ee Iran sidoo kale ku dhaaaqayay ereyo ka dhan ah hogaanka dowlada.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa taageero u muujiyay dadka dhigayay banaan baxa ka dhanka ah dowlada Iran, waxa uuna u balan qaaday in uu garab istaagi doono dibad baxayaasha.

“Waxay ku socotaa dadka geesiyaasha ah ee dhibban ee Iiraan: Waan idiin garab taaganahay tan iyo markii aan madaxweyne noqday dowladdeyduna way sii wadi doontaa inay idiin garab istaagto, si dhow ayaan ula soconnaa dibadbaxyadiinna. Geesinimadiinnu waa mid dhiirrigelin ah.” ayuu yiri Trump.

Dowlada Iran ayaa markii hore ka been sheegtay diyaarada rakaab ee laoo riday ,hasa ahaatee Milatariga ayaa bayaan ay soo saareen ku qirtay in diyaarada usoo rideen si kam ah wax yar kadib duqeyntii ay la beegadeen saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq.

Diyaarada ay soo rideen milatariga Iran oo laga lahaa dalka Ukrine ayaa waxaa ku dhintay 176-qof oo kasoo kala jeeday wadamo kala duwan, waxaana iran falkan kala kulantay cambaareyn xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -