Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay weerar dad badan lagu laayay oo ka dhacay Ruushka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay xalay tayaatar  lagu qabanayey bandhig faneed oo ku yaalla magaalaa Corucus ee kutaalla duleedka magaalada Mosko ee caasimadda Ruushka.

Madaxweyne Xasan ayaa dowladda iyo shacabka Ruushka uga tacsiyeey dhacdadan argagaxa leh, isagoo sheegay in wakhtiga adag dowladda Soomaaliya garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Ruushka.

Shan nin oo katirsanaa kooxda Islaamiga ah ee Daacish ayaa weerar xalay ku qaaday tayaatar kuyaallay magaalada Corucus, waxa ayna halkaasi kooxda hubeysan ku laayeen dad badan oo tayaatarka joogay.

Weerarkan ayaa inta la xaqiijiyay lagu dilay dad ka badan 60-qof , halka lagu dhaawacay 140-qof dad ka badan, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha inta hadda la og yahay in ay kasii bataan.

Qaar kamid ah madaxda caalamka ayaana weerarkaasi xalay ka dhacay dalka Ruushka si kulul u cambaareeyay, waxa ayna madaxdaasi tacsi u direen madaxda shacabka Ruushka, iyagoona ,madaxda qaar garab istaag u muujiyeen Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fiqi: “Goodax haddii uu Baarlamanka Shabaab u yaqaano ma ahayn inuu laba sano dhex fadhiyo”

Caydiid Ali

Laftagareen oo Shaaciyay in uu Socdo Qorshe la isugu furayo Degmooyin Go’doon ku jira (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay ku kala duwan yihiin ciidamada Haramcad iyo kuwa Kumandoska Gorgor?

admin
Taboola Ads ---