Ku-xigeenkii hogaamiyaha Daacish Somalia oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Ku-xigeenkii hogaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Mahad Macallin ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho sida ay xaqijinayaan warar soo baxaya.

Ehelada Mahad ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in Mahad lagu dilay Muqdisho todobaad ka hor.

“Waxaa dilay rag hubaysan oo meydkiisa soo dhigay xeebta Liido, ka dibna telefoon nagu soo wacay oo nagu wargeliyey in aan meydka doonano” ayey yiraahdeen dadkaas ka mid ah ehelada Mahad Macallin.

Waxay intaa ku dareen in meydkiisa laga qaaday xeebta Liido, ka dibna la geeyey isbitaal magaalada ku yaalla muddo ka dibna la aasay.

Waxaa sidoo kale xaqiijiyey geerida Mahad saraakiil ka tirsan sirdoonka maamul goboleedka Puntland.

“Waxaa dilkiisa ka dambeeyey nin ka mid ah saraakiisha sare ee Daacish oo ciidan ka daba diray markii uu ogaaday in Mahad Macallin uu Muqdisho aaday. Ujeedada ayaa ahayd in Mahad uu ku dilo Muqdisho, ka dibna u kaalintiisa galo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Puntland.

Mahad Macallin iyo ninka lagu eedeynayo dilkiisa ayaa labadaba ka tirsan jufada hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Sababta booska looga dishay Mahad Macallin ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto in awoodda ururka uu gacanta ku dhigo qofka noqonaya ku xigeenka madaxa ururka, maadaama hogaamiyahooda, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu xanuunsanayo, oo Mahad uu ahaa ninka awoodda iyo go’aannada lahaa.

Maraykanka ayaa horraantii sannadkan ku dartay Mahad Macallin liiska argagaxisada iyo shakhsiyaadka ay xayiraadda ku soo rogtay.

Ururka Daacish ayaan ka hadlin illaa hadda dilka ku-xigeenkii hogaamiyahooda Mahad Macalin, Sidoo kale dowlada Soomaaliya ayaan arintan soo hadal qaadin weli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -