Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii Ciyaaraha degmada Waaberi oo Sabab layaab leh loogu dilay Muqdisho

Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa oo kuyaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir ku weeraray kuna dhaawacay guddoomiyihii ciyaaraha degmadaasi Mahad Maxamuud Axmed (Injey).

Sida aan wararka ku helnay askariga ayaa xabbad ku dhuftay guddoomiyaha xilli uu afur isku diyaarinayay xalay, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyaha loola cararay isbitaal ,halkaas uu saakay ku geeriyooday sida eheladiisa sheegeen.

Akariga dilka geestay ayaa la sheegay in uu ka carrooday in boos VIP ah oo katirsanaa garoonka xarunta degmada Waabari shalay galab laga kiciyay, waxaana la sheegay in guddoomiyaha iyo askariga oon labisneen ay garoonka ku murmeen.

Gacankudhiiglaha oo ka carreesnaa in laga kiciyay halkii uu fadhiyay ayaana la sheegay in carro uu arrintaasi ka qaaday darteed xabbad ugu dhuftay guddoomiyihii ciyaaraha degmada Waabari Mahad Injey oo ahaa nin aad looga jeclaa degmadaasi.

Ehelada ninka la dilay ayaana ka dalbaday laamaha ammaanka dowladda in ay gacanta kusoo dhigaan dilaa lana geeyo caddaalad, waxaana dhacdadan aad uga naxay bahda ciyaaraha Muqdisho iyo guud ahaan dadkii yaqaanay masuulkan la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ka dhex qarxay Qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigray ee dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Ganacsade caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xarunta Tababarka Tiknoolajiyada Somtel  oo tababar u furtay Arday Jaamacadeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---