Afhayeenka dowlad goboleedyada oo ka jawaabay hadalkii Wasaarada A/Gudaha Somalia

Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda C/llaahi Shiikh Xasan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay inay Ciidan iyo hub Magaalada Baydhabo ka dejisay.

C/llaahi Shiikh Xasan ayaa sheegay in dayuurad siday ciidan in ay gaartay Magaalada Baydhabo,isla markaana la doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta bisha soo socota.

Afhayeenka ayaa dowlada dhexe ugu baaqay inay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynayo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo dhowaan.

Warar madax banana ayaa sheegaya in gaadiidka aanu xabadu Karin iyo ilaalada la geeyey magaalada Baydhabo uu wato C/casiis lafta gareen oo ah Wasiirka Tamarta Xukuumada Somalia kaasoo doonaya inuu ka mid noqdo musharaxiinta doorashada Koonfur galbeed.

Dhinaca kale, C/llaahi Shiikh Xasan ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda uu ay ka soo horjeedaan warkii shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ee loogu baaqay madaxda dowlad goboleedyada inay yimaadaan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid ka hor inta uusan daqiiqo ka hor Muqdisho ka duulin C/casiis Lafta Gareen oo ah Wasiirka Tamarta oo la filayo inuu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -