Israel oo duqeyn lagu laayey dad shacab ah ka geysatay Koonfurta Lubnaan

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan Sabtidii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee qaranka Lubnaan ee (NNA).

NNA ayaa ku warantay in diyaarado dagaal ay labo gantaal ku dhufteen guri ku yaala deegaanka Al-Ain ee magaalada Kharbet Selim waxaana ku dhintay nin, xaaskiisa oo uur leh, laba caruur ah oo ay dhaleen iyo shaqsi kale.

Kooxaha gurmadka iyo gargaarka ayaa loo diray si ay meydadka uga soo saaraan oo ay u qaadaan isbitaalka dowladda ee Tebnine.

“Weerarku wuxuu sababay burbur gabi ahaanba guriga wuxuuna sababay khasaare culus oo gaaray daraasiin guryo ku hareeraysan,” sida ay sheegtay NNA.

Ururka Xisbullah ayaa Sabtidii soo saaray bayaan uu ku sheegay in saddex ka mid ah dagaalyahannada dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee ay taageerto Iran la dilay Sabtidii, iyadoo aanay bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Waxaa jiray maalin kasta rasaas xudduudda ah oo u dhaxaysa Israa’iil iyo Lubnaan tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, IDF ayaa marar badan sheegtay in ay beegsanayso “kaabayaasha Xisbullah ee aagagga koonfurta Lubnaan

- Advertisement -