Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh iyo dhigiisa Turkiga oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah (Daawo)

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii uu dalka Turkiga

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca, dagaalka dowlada ay kula jirto argagixisada iyo muhiimada Soomaaliya u leedahay xasiloonada gobolka geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha oo lagu ilaalinayo xeebaha Somalia, laguna tababarayo ciidamada Badda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Turkiga kaga qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

HOOS KA DAAWO KULANKA LABADA MADAXWEYNE

Related posts

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay shirka wajiga labaad ee Mashruuca JPP (Sawirro)

Cabdi Cade

Jidadka Magaalada Muqdisho qaarkood oo maalintii labaad xiran & boqolaal qof oo..

Caydiid Ali

Maxaa ku qarsan ciida Chrismas Day ama ciida miilaadiga!! (Daawo Muuqaal)

admin
Taboola Ads ---