Falanqeyn iyo Xog xasaasi ah oo ku saabsan heshiiska difaaca ee Somalia & Turkiga

Warbixintani waxaa qoray Wargeyska Turkiga ka soo baxa ee Direlish waxaana diyaariyay Qoraaga Turkiga Haider Oruc waxaana ka dib lagu daabacay Shabakada Al-Jazeera.

Tan iyo 7dii bishii Oktoobar sanadkii hore mandaqada Bariga dhexe iyo gobolada ku hareereysanba waxay udub dhexaad u noqdeen isbadalo dhowr ah kuwaasoo qaarkood halistooda lahaayeen, saameyntoodana guud ahaan caalamka oo dhan laga dareemay, xili ay Isra*el duulaan dhinac kasta ku qaatay marinka Gaza sidoo kalana shacabka Gaza isirsifeyn ku wado, waxaa dhinaca kale ee gobolka ka taagnaa dhacdooyin barbar socdo arinkaas ayadoo maleeshiyaadka xulafada la ah Iran ay weeraro isdaba joog ku qaadayeen Israel iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Manadqadaas.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska Direlish ee Turkiga kasoo baxa ayuu yiri qoraaga warbixintaas Xeydar Caruuj; ayadoo ay taagantahay xaaladaan dhinacyada badan leh jawaabtii ugu cusleyd waxay ka timid dhanka Xuutiyiinta Yaman kuwaasoo dalbaday joojinta weerarada Isra*l ee Gaza, waxayna ku hanjabeen inta weeraradaan socdaan ineysan marnaba ogolaan doonin in maraakiibta xiriirka la leh Isra*l si nabad ah uga kala gooshaan Bada Cas.

Tan iyo bartamihii bishii November Xuutiyiinta oo ka dhabeynaya hanjabaadooda waxay fuliyeen weeraro kala duwan ayagoo beegsanayaa dhammaan maraakiibta iyo doomaha xiriirka la leh Isra*l arintaasoona keentay in caalamka oo dhan indhahooda usoo weeciyaan dhanka mandaqadaas.

Xili jawi caynkaas lagu jiro ayaa waxaa la shaaciyay saxiixii wasiirada difaaca Turkiga iyo Somalia “Heshiiska Qaab dhismeedka iyo iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha”, kaasoo lagaga dhawaaqay magaalada Ankara 8dii bishii Febraayo 2024-ta,isla bishaas 21-deeda waxaa heshiiska saxiixay Golaha Wasiirada Somalia waxaana xigay ansixintii Baarlamaanka iyo in heshaaskaas si degdeg ah dhaqangal u noqdo.

Haatan qaar kamid ah falanqeeyaasha waxay is waydiinayaan maxaa kalifay in Turkiga iyo Somalia waqtigaan kala saxiixdaan heshiis ceynkaan ah? Waa sax in cilaaqaadka Turkiga iyo Somalia aysan haatan soo bilaaban oo Turkiga horay garab istaag ugu muujiyeen Soomaalida xiligaasoo xaalada midaan ka darneyd, balse saxiixida heshiis caynkaan ah ayadoo mandaqada xaaladaan karka ku sugantahay waxay keentay in la is weydiiyo su’aal mug wayn taasoo ah “Maxaa haatan keenay?” “Why Know?”.

Qoraaga ayaa cadeeyay in Turkiga uu heshiis nabadeed iyo mid iskaashi uu kula jiro dhammaan dowladaha Geeska Afrika kuwaasoo kala ah; Erateria, Somalia, Jabuuti iyo Ethionbia, arintaas oona horay wax uga badashay caqabado badan oo ay dowladahaan wajihi jireen, sidoo kalana xal u noqotay mashaakil farabadan oo maaro loo la’sanaa.

Marka laga hadlaayo heshiiska difaac ee Somalia iyo Turkiga kaasoo waqtigaan dhacay waxaa muhiim ah inaanan hal arin oo kaliya lagu xirin oo arimo badan soo hoos galayaan, balse arinta ugu muhiimsan ay tahay heshiiskii ay Ethiobia 1-dii bishii Febraayo la gashay Maamulka Somaliland.

Somaliland wali waxay qeyb ka tahay Somalia mana jirto ilaa haatan hal dowlad oo si Rasmi ah aqoonsi u siisay, inkastoo mudo aad u dheer kahor ay ku dhawaaqeen ka go’idooda Somalia inteeda kale.

Heshiiska Somaliland u saxiixday Ethiobia wuxuu Ethiobia u ogolaanayaa iney si toos ah u gaaran Bada, ayagoona kaga soo badalanaya dhanka Jabuuti halkaasoo ay haatan ciidamada Bada Ethiobia si kumeel gaar ah u daganyihiin, talaabadaas ay Itoobiya qaaday ayaana keentay in Soomaaliya jawaab deg-deg ah ka bixiso ayagoona si ay arintaasi uga hortagaan heshiis iskaashi difaac la saxiixday dhigooda Turkiga.

Waxaa la aaminsanyahay talaabadaan ay Somalia qaaday in Ethiobia ku qasbi doonto iney go’aankeeda dib ugu laabato sidoo kalana aysan ku deg-degin talaabada xigta ee ay qaadi doonto, taas badalkeeda waxaaba macquul ah in heshiiskaas uu Ethiobia ku qasbo iney Somalia la gasho heshiis cusub oo horleh kii horana ka laabato, si ay u ilaaliyaan danaha ay ka leeyihiin bada, waxaa kaloo macquul ah in heshiiskaan dhexmari doono Somalia iyo Ethiobia ay garwadeen ka noqoto Dowlada Turkiga oo labada dalba dano gaar ah kaleh.

Turkiga oo ilaashanaya danahooda ay ka leeyihiin Somalia iyo Ethiobia ayagoo ka fogaanaya isku dhac dagaal oo labadaas dal dhexmara waxay dhexdhigi karaan heshiis siyaasadeed kaasoo Ethiobia gaarsiin kara bada, Soomaaliyana faa’iido wayn u ah, Turkiga waxay kawarqabaan xaalada ka taagan Badda Cas iyo dhacdooyinka kasoo cusboonaaday Marinka Baabu Mandab, sidaas owgeed ma doonayaan xaalad kadis ah oo aysan fileynin iney bartanka ka galaan.

Warbixinta ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay isku dayday soo afjarida mashaakilkeeda iyo dib u qaadista wadada saxda ah ayadoona la saxiixatay heshiisyo midkaan lamid ah dalalka Mareykanka, Masar, UAE, Qatar iyo Sacuudiga, balse midkoodna ma gaarin heer ay ansixiyaan Baarlamaanka, waxaana intaasi dheer in heshiisyadiisa aysan u cadeyn marnaba sida uu u cadaa heshiiska ay Turkiga la galeen, sidaas owgeed heshiiskani waa ka duwanyahay hehsiisyada kale.

Qoraaga wuxuu cadeeyay inkastoo aanan si Rasmi ah loosoo bandhigin qodobada heshiiska iskaashi difaac iyo midka dhaqaale ee Somalia iyo Turkiga hadana xogaha lasoo dusiyay waxay muujinayaan in lagu heshiiyay qodobadaan soo socdo iyo in heshiiska socon doono mudo 10 sanadood ah.

Qodobada heshiiska;

-In la maalgashto kheyraadka badda dhanka dhaqaalaha.

-Qorsheynta iyo fulinta howlgalo wadajir ah oo dhanka Hawada iyo Badda ah hadii lagu qasbanaado in la difaaco kheyraadka bada.

-Aasaasida iyo dhisida doomo iyo Maraakiib sidoo kale dhisida Dekedo iyo goobo laga howlgaliyo Ciidamada Badda Somalia, iyo sameynta shuruucda lagamaarmaanka u ah.

-Isku dabaridka iyo isku xirka shuruucda hagida bada ee labada dal.

-In haldhinac looga soo jeesto nooc kasta oo hanjabaad ku ah Badda Somalia sida; Argagaxisada, Burcad Badeeda, Kaluumeysiga sharci darada iwm.

-In la sameeyo dhismayaal wadaag ah iyo aasaasida mandaqad aamin ah.

-In loo fidiyo taageero aqooneed, mid diimeed, iyo mid tababar ciidamada Somalia.

-In la sameeyo sidoo kalana la maareeyo xarumo laga ilaaliyo Badda iyo xeebaha Somalia.

-Hormarinta iyo casriyeynta ciidamada Badda Somalia sidoo kalana kahortaga wasakheynta Badda.

HESHIIS DHISMEED.

Sida magaca heshiiskaba ku cad heshiiskaan waa mid dhismeed oo aanan dhameystirneyn wali, wuxuuna yeelan kalaa tafaasiil intaan ka badan kuwaasoo gadaal laga dhameystiri doono.

Si midaas loo xaqiijiyana waxaa qasab ah in uu ansixiyo Baarlamaanka Turkiga, arintaasoona soo dadajineyso in si deg-deg ah heshiiskaan loo fuliyo ayadoo la xadidayo waxa la fulin doono iyo qaabka loo fulin doonaba.

Warbixinta waxay cadeysay in Turkiga markii ay sanadkii 2019-kii heshiis nuucaan oo kale la saxiixdeen dhigooda Liibiya uu xigay heshiis kale oo isfaham ah kaasoo la saxiixay Oktobar 2022-dii, wuxuuna heshiiskaas Turkiga awood u siiyay iney baaraan sidoo kalana qodaan kheyraadka Libiya sida Naftada iyo Hydro-karboonaatka kuwaasoo dhulka Libiya laga helo, sidaas owgeed waxaa macquul ah in isfaham midaas lamid ah uu kadhex-dhaco Somalia iyo Turkiga markii uu hirgalo heshiiska dhanka Badda ayadoo loo soo weecinayo dhanka Bariga.

Qoraaga wuxuu si aanan leexleexad laheyn u sheegay in heshiiskaan uu Turkiga siiyay awood aanan caadi aheyn kaasoo ka dhigaya kuwa saameyn mug wayn oo balaaran sida qoraxdana u cad ku yeesha mandaqada Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waxayna Turkiga markii ugu horeysay aasaasi doontaa ciidamada Badda dowlad kale (Somalia).

Mudada ay Turkida wadaan howlaha dhisida ciidamada Badda Somalia waxay sidoo kale agabkooda difaac ee dhanka Badda u daabuli doonaan dhanka xeebaha Somalia, ayagoona dhisi doono Maraakiib iyo doomo difaac sidoo kalana waxay yogleyn doonaan aagag difaac oo laga ilaaliyo xeebaha Soomaaliya waxaana xitaa macquul ah mudada ay wadaan dhisida ciidamada Bada Somalia iney sidoo kale dhisaan barkado lagu sameeyo doomaha iyo maraakiibta difaaca Somalia.

Heshiiskaan wuxuu socon doonaa mudo 10 sano ah, ayadoo mudaas ay Turkiga ilaalin doonaan guud ahaan Badaha Soomaaliya kana ilaalin doonaan nooc kasta oo halis ah sidoo kalana waxay raadin doonaan soona saari doonaan kheyraadka guud ee baddaha Soomaaliyeed.

Qoraaga wuxuu cadeeyay in isku soo dhawaanshaha Turkiga iyo Afrika uusan lamid aheyn midkii Reer Yurub kuwaasoo caado ka dhigtay iney isku diraan hubkana isugu dhiibaan Afrikaanta kadibna ilahooda dhaqaalee la wareegaan, balse taas babdalkeeda Turkiga waxay doorbidayaan iskaashi labada dhinacba faa’iido ku qabaan.

Turkiga dhankooda heshiiskaan waxay ka heli doonaan faa’iido badan waxaana ugu muhiimsan iney sare u qaadi doonto awoodooda ay ku yeelanayaan mandaqada iyo guud ahaan caalamka, sidoo kale shirkadaha Turkiga ayaa ka faa’ideysan doono heshiiskaan ayagoona saamigooda ka heli doono barwaaqo sooran rumoobi doono, waa sida uu qoraagu sheegay.

Waxaa Turjumay
C/raxmaan Xassan Anteeno

- Advertisement -