Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Howgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyey degaano hoos taga..

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si gaar ah Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa maanta ilaa caawa howlgalo ka dhan ah al shabaab waxay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Degaanada Howlgaladan gaarka ah laga fuliyey ayaa kala ahaa Labaatan jirow, Garas dheere iyo tuulooyin kale sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka.

Howlgalkan waxaa hoggaaminayey Taliyaha Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyed G/le Maxamed Nuur Mad- Dheere, Saraakisha Taliska Guutada 8-aad iyo Masuuliyiin kale.

Dhamaan degaannada howlgalada laga sameeyey waxaa haatan gacanta ku haya ciidamada xoogga Dalka sida uu sheegay /le Maxamed Nuur Mad- Dheere, lamana sheegin khasaare ka dhashay howlgaladan.

Related posts

Bankiga Horumarinta Afrika oo taageero u balan-qaaday dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Siyaasiyiin Mucaarad ku ahaa (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere lagu dhaawacay Dagaalka Hiiraan ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---