Kulan lagu taageerayay Dib u dhiska Galmudug Mideysan oo Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan balaaran oo lagu taageerayay dib u dhiska maamulka Galmudug iyo sidoo kale dadaalada uu Ra’isul Wasaare Kheyre ku doonayo in la helo Galmudug raali laga wada yahay.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Siyaasiyiin ,Waxgarad, Culumaa’udiin, Dhalinyaro iyo Haween, waxa ayna dhamaan dadkii kulanka ka qeyb galay si weyn u taageereen in la helo Galmudug mideysan .

Halkan ka Akhriso War Murtiyeed gabo gabada kulanka laga soo saaray

(Muqdisho 16ka July 2019: Bulsahda ku nool Magaalada Muqdisho oo ka kooban Culimaa’udiin, Odoyaasha  Dhaqanka , Dhalinyaro, Siyaasiin , haween , Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ganacsato  oo kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho waxa ay si buuxdo u taageerayaan Dadaalada  dib u dhiska ah ee dowladda Federaalka  Soomaliya ay ka waddo Galmudug , kuwaas uu Hoggaaminayo Ra’iisulwasaaraha  Xukuuamdda Soomaaliya  Mudane Hassan Cali Kheyre

Dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada soomaaliyeed ee maanta ku kulmay muqdisho waxa ay ku boorinayaan Xildhibaanada Galmudug ,Siyaasiinta Galmudug, Ganacsatada Galmudug, odoyaasha dhaqanka Galmudug , Haweeynka Galmudug, Dhalinyarada Galmudug iyo cid walba oo ka damqaneeysa kala qeeybsanaanta Galmudug in ay ku gacan siiyaan xukuumadda Soomaaliya dadaalada lagu dhisayo “Galmudug  mid ah”.

Haddaba si loo helo Galmudug ku dhisan sinnaan iyo caddaalad waxaan ku baaqeeynaa :

  1. In lagu garab siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalada dib u heshiisiinta ah ee ay haatan ka waddo Galmudug, taas oo horseedi karta in la helo isku duubnida bulshada Galmudug.

2-In la mideeyo awoodaha dhaqaale  iyo kuwa siyaasadeed ee lagu doonayo in dib u heshiisiin rasmi ah looga dhaliyo Galmudug, annagoo bogaadinayna  dadaalada Ra’iisulwasaaraha Xukuumadad Soomaaliya  Mudane Xassan Cali Kheyre  uu hadda ka wado Galmudug

3-Waxaan bogaadineynaa dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan sidii loo wada qancin lahaa bulshada wada degta Galmudug taas  oo muujineysa  in ay ka go’an tahay  xukuuamdda     “Galmudug  mid ah”.

4-Waxaan dalbaneynaa ; “Galmudug mid ah” loo siman yahay oo aan sadbursi ku dhisneeyn taasoo sal looga dhigo isu tanaasul  horseeda midnimo iyo wadajir waarta .

BALLANQAAD:

  1. Dhalinyarada , Siyaasiyiinta , odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka , Ganacsatada iyo dhammaan dadkii ka soo qeybgalay Kulankan Muqdisho ka dhacay waxa ay ballan qaadayaan in Ra’iisulwasaaraha Xukuuamdda Soomaliya ay ku gacansiiyaan dib udhiska Galmudug

2-Dhalinyarada Muqdisho waxa ay soo dhoweynayaan , aadna u bogaadinayaan kaalinta muuqata ee uu  Ra’iisulwasaaraha siiyay dhalinyarada soomaaliyeed  ee ku nool Galmudug

3-Ugu dambeeyn waxaan ugu baaqeeynaa dhammaan xildhibaanada , Siyaasiyiinta , Ganacsatada iyo Culimada ka soo jeedda Galmudug in la’taageero dadaalada Xukuumadda Soomaaliya ay ka waddo Galmudug .

=Dhamaad=

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -