Tirinta codadkii la dhiibtay doorashadii manta ka dhacday Turkiga oo socota (Yaa ku horeeya)

Madaxweynaha Turkiga Racep Dayib Erdogan ayaa ku horeeya doorashada madaxtinimada dalka Turkiga, iyadoo ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay maanta

Racep Dayib Erdogan ayaa heysta in ka badan 56%, iyadoo la tiriyay codadka ku dhow 60% waxaana la filayaa inuu ku guuleysto doorashada madaxweynaha dalka Turkiga oo loolan adag uu kula jiray musharaxa Isbaheysiga mucaaradka ee Muhharem Ince.

Tirinta codadka ayaa weli socota waxayna natiijada ilaa hadda la tiriyey 66% loo kala helay sida soo socota:

Doorashadan oo ah mid taariikhi ah ayaa la filayaa in tirinta codadka dhiman la soo gebagebeeyo caawa saqda dhexe.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -