Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamo gadoodsan oo saaka xiray qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Garoowe

Ciidamo gadoodsan ayaa saaka xiray qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Jidadka ay ciidanku xireen ayaa waxaa ka mid ah wadada aada xarumaha Wasaaradaha maamulkaas iyo xarunta Madaxtooyada oo ay degan yihiin madaxda sare ee Puntland.

Ciidanka oo ka cabanaya mushahar la’aan ayaa dib u celinaya gaadiidka iyo dadkii wadooyinkaas mari lahaa iyadoo arintaasna ay saameysay shaqooyinkii ka socday Xafiisyada Maamulka iyo xarunta Madaxtooyada.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Nugaal Muxyadiin Axmed Muuse iyo saraakiil kale ayaa wadahadal la leh ciidanka gadoodsan si loogu qanciyo iney xarumahooda ku laabtaan jidadkana baneeyaan,

Qaar ka mid ah ciidankaan ayaa warbaahinta u sheegay in Muddo 7 bilood ah aysan waxba ka suuragelin balan-qaadyo horey loogu sameeyey.

Arintan ayaa ku soo aaday xili Maanta lagu waddo inay gaaraan Magaalada Garowe qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Baydhabo iyo Doorashada oo laga cabsi qabo in …

Cabdi Cade

Sweden oo ka farxisay Hooyo Soomaali ah oo dalkaas laga tarxiilay dhowaan

Caydiid Ali

Nin Soomaali ah oo si lama filaan ah Abiy Axmed ugu magacaabay Kuxigeenkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---