Wararkii Ugu dambeeyay Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Baydhabo iyo Doorashada oo laga cabsi qabo in …

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa xiligan ka taagan xiisad siyaasadeed iyo jahwareer soo wajahday doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Inta badan Guddigii doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa is casilay, waxaana is casilaada guddigan la sheegay in ay tahay mid siyaasad ay ka dambeysay uuna gadaal ka riixayay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Shariif Xasan.

Magaalada Baydhabo waxaa hada ka socdo kulamo kala duwan ay yeelanayaan Musharaxiinta Madaxweyne, Siyaasiyiin iyo waxgaradka magaalada , waxaana looga arinsanayaa xaalada cusub ee kusoo korortay doorashada Madaxweynaha.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sababta is casilaadooda ku sheegay in faragalin lagu hayo, lamana oga cida sida tooska ah faragalinta ugu heysay guddigaasi.

Madxaweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa kulamo kala duwan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka mamaulka Koonfur Galbeed , Xubno katirsan Wasiiradiisa iyo waxgarad.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Shariif Xasan uu cadaadis xoogan ku saarayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna in uu is casilo si doorashada waqti dheeraad ah loogu daro.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu waday in ay dhacdo 17-ka bishan ayaa loo badinayaa in ay dib u dhacdo, kadib markii ay is casileen guddigii doorashada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa looga fadhiyaa in uu war kasoo saaro is casilaada Guddiga doorashada iyo in doorashada waqtigeyda dhaceyso ama dib u dhac ku imaanayo.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo diyaarado gaar ah looga soo qaaday magaalada Baydhabo ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxa ayna kulamo la qaateen madax katirsan dowlada Federaalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sameenaya kaartooyin siyaasadeed si uu u fashiliyo ololaha isaga meesha looga saarayo, waxaana Shariif Xasan gurbaan hiilo u tamaya qaar kamid ah Madaxda mamaul goboleedyada oo naftooda cadaadis xoogan saaran yahay.

Xiisada Siyaasadeed ee xiligan ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in faraha ay kasii baxdo, waxaana dagaalka Siyaasadeed ee Baydhabo u dhaxeeyaa Dowlada Federaalka iyo Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -