Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afhayeen cusub oo loo Magacaaabay Taliska ciidanka Booliska Somalia

Warqad kasoo baxday taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa waxaa uu Qaasim Axmed Rooble loogu magacaabay Afhayeenka cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa xilkaas horey u hayey G/lle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo hadda ah taliye ku xigeenka qeybta dambi baarista ee Booliska Somalia ee CID.

Munaasabad ka dhacday xarunta taliska Booliska Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa afhayeenkii hore  waxaa uu xilkii si rasmi ah ugu wareejiyey afhayeenka cusub.

Qaasim Axmed Rooble ayaa horey u soo noqday afhayeenka ciidanka Booliska Somalia, waana markii labaad ee xilkaas loo magacaabo.

Related posts

Jabuuti oo xili dheeraad ah ku kordhisay xayiraada ka dhalatay COVID-19

Caydiid Ali

Fanaan caan ah oo toogasho lagu dilay, xili uu ku sugnaa goob uu ka ciyaarayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Sheekh” Hal tilaabo hadii ay soo qaado Itoobiya Saddax tilaabo ayaan qaadaynaa”.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---