Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalada iyo duqeymaha ka sii socda Gaza (Daawo Sawirro)

Israa’iil ayaa xoojisay duqeymaha ay ka waddo degmada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, kaddib marki la xaqiijiyay in Arbacadi shalay 12 xubnood oo hal qoys ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuluyeen ciidamada Israil.

Dadka deegaanka Rafax ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in dhowr madfac lagu duqeeyay qeybo ka mid ah Rafax, halka ciidanka badda Israil oo isticmaalaya doonyo ay rasaas ku fureen dadka ku nool agagaarka xeebta Rafax.

Sawir-qaade ka tirsan Reuters oo ku sugan Rafax ayaa sheegay, in 12-ka qof ee la dilay ay ka wada tirsanaayeen qoyska Al Nuur. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray carruur da’yar.

Milatariga Israel ayaa Arbacadi sheegay in ay xoojiyeen dagaalka ay ka wadaan degmada Khan Younis, oo dhanka waqooyi uga beegan Rafax. Ma eysan sheegin in ay weerari doonaan Rafax iyo in kale.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay Arbacadi in dadka rayidka ah ee Gaza lagu dilay ay gaarayaan 29,313, halka dhaawacana uu caga-cageynayo 69,333.

Related posts

Xeebta Liido oo dabaasha laga mamnuucay & amaro lagu soo rogay Hotelada iyo baararka

Caydiid Ali

Xukun Dil ah oo lagu fuliyay Saddex nin oo ka dambeeyay qaraxyo dad badan ku dhinteen

Cabdi Cade

Jim Jordan oo mar kale ku fashilmay codeyntii afhayeenka Aqalka Wakiillada

Cabdi Cade