Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca & Dhaqaalaha ee Somalia iyo Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ay gaareen dowlasaha Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Related posts

Madaxweyne hore oo lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah iyo Dambiga ay gashay oo la cadeeyay

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo taaba galisay tartan quraan Akhris oo Abaal marino qaali ah lagu bixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo sheegtay in la bur buriyay Maxkamad ay laheyd Al Shabaab ragna laga dilay

Cabdi Cade