Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amniga oo caawa Muqdisho ku qabtay boorso qaraxyo lagu qariyay iyo ninkii watay (Sawirro)

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku fashiliyay boorso laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ,oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad shacab ah.

Ciidanka NISA ayaana degmada Cabdicasiis gaar ahaan agagaarka xeebta Liido ku qabtay nin dhallinyaro ah oo watay boorso lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa, taa oo la ogeyn goobta la doonayay in lagu bartilmaameedsado.

War kasoo baxay laamaha ammaanka ayaana lagu sheegay in gacanta lagu hayo boorsada waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ninkii watay, waxa ayna xuseen in ninka la hayo baaris lagu sameenayo lana horgeenayo caddaaladda.

Qaraxan caawa la fashiliyay ayaa imaanaya xilli ciidanada ammaanka xoojiyeen amniga caasimadda Muqdisho, si ay uga hortagaan falalka ammaanka lidiga ku ah.

Related posts

 Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan Magacaabaya Guddi ka shaqeeya dabagalka….

Cabdi Cade

(Sawirro) Laftagareen oo dayuurad ku tegay degmo ay go’doomisay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Axmed Madoobe “Doorasho kuma dhaceyso sida ay maanta tahay & nooca afduub ee socda”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---