Ciidamada AMISOM oo saakay mid kamid ah gaadiidkooda ku dilay labo ruux oo shacab ah

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM saakay jiireen gaari dameer ay la socdeen labo ruux oo shacab ah.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in gaari kamid ahaa  kononyo gaadiid ah ay wateen ciidamada AMISOM uu saakay jiiray gaari dameer ay la socdeen labo ruux goobtaasina ku dilay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafada Xaawo Taako ee katirsan degmada Balcad, waxaana labada ruux ay gaadiidkooda ku dileen ciidamada AMISOM la sheegay in ay kusii jeedeen qeybo kamid ah degmada Balcad.

Taliska ciidamada AMISOM iyo maamulka degmada Balcad ayaan wali ka hadlin dhacdadan ciidanka AMISOM ku dileen labada qof, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada booliiska ee ka shaqeeya degmada Balcad.

Ciidamada AMISOM oo howlo nabad ilaalin ah u jooga qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa marar badan sidan oo kale gaadiidkooda waxa ay ugu dileen dad shacab ah, waxaana inta badan ciidamada AMISOM iska indho tiraan dadka shacabka ah ay dilaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -