Ciidamada amaanka oo saakay Muqdisho ku toogtay burcad hubeesan

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay xaafada Cali Shire ee katirsan degmada Howlwadaag waxa ay ku toogteen askari katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya oo dad shacab ah dhac u geesanayay.

Askariga la dilay ayaa xirnaa dareeska ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka october, waxaana askarigan la dilay uu la socday mooto bajaaj la sheegay in uu dadka ku dhacayay .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamada booliiska damceen in ay xiraan askarigan balse dagaal kala hor yimid sidaasna lagu toogtay, waxaana meydka askariga markii dambe loo qaaday xarunta CID-da.

Dadka degan xaafada Cali Shire iyo xaafado kale oo ku dhaw dhaw ayaa sheegay in askarigan la dilay iyo kuwa kalaba ay xaafadahood dhibaato ku hayeen ayna dhac joogto ah shacabka u geesan jireen.

Ciidamo cusub oo booliis ah oo Muqdisho lagu soo daadiyay ayaa bilaabay howlgalo ay kula dagaalamayaan burcada adeegsata mooto bajaajta oo u badan ciidamo katirsan Milatariga, waxa ayna dhawaan sidan oo kale ciidamada u dileen nin burcad ahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo batay burcad xiran dareeska ciidanka Milatariga oo dadka ku dhaca mooto bajaajta, waxa ayna inta badan kooxahan burcada ah dadka ka qaataan moobeelada iyo alaabah kale ee fudud.

- Advertisement -