(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo kormeeray Xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo uu wehelinayo madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaarado iyo Xarumo kale oo ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowliga ah ee magaalada Kismaayo.

Dhamaan Xarumahan oo ay xiligaas shaqo maalmeed caadi ah ka socotay ayuu Madaxweynahu kormeerkiisa ka bilaabay Xarunta Dowlada Hoose ee Degmada Kismaayo iyadoo halkaas uu kasocday kulan ay lahayeen gudi dhawaan loo sameeyay bixinta dhulka iyo dhamaynta muranada ka jira dhulka kaas oo si toos ah u hoos tagaya Hay’ada dhul bixinta Jubbaland.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu kormeeray Wasaarada Maaliyada oo ay xiligaas gudiga midaynta dakhligu u fadhiyeen shirkoodii maalinlaha ahaa isla mar kaana uu shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga dheere , Madaxweynahu wuxuu Warbixin la xiriirta hanaanka midaynta dakhliga iyo uruurintiisa uu ka dhagaystay xubnaha howshan u xilsaaran isagoo ku booriyay in ay howlaha ay hayaan ay sii laba jibaaraan oo ay ka miro dhaliyaan.

Meelaha uu Axmed Madoobe kormeeray waxaa kale oo ka mid ah Wasaaradaha Waxbarashada, tan Xanaanada Xoolaha iyo Ganacsiga isagoo warbixino la xiriira sida ay shaqada u socoto ka dhagaystay Wasiirada Wasaaradaha iyo waaxyaha kala duwan , si gaar ah Madaxweynuhu wuxuuu Wasaarada Ganacsiga ku booriyay qorshaha ay wado ee Bandhiga Ganacsiga Jubbaland iyo in maalgalinta xoogga la saaro isagoo sheegay in cidii hirgalinaysa fikrado ganacsi lasoo dhawaynayo.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu kormeeray Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Labada Wasiir ee Wasaaradahan iyo shaqaalaha kala duwan ayuu Madaxweynahu ka xog waraystay sida ay shaqadu u socoto isagoo ugu danbayn booqday Taliska qaybta Ciidanka Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -