Madaale oo amar cusub ku soo rogay Maamulada degmooyinka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir oo todobaadkaan loogu hadlay Dib-u-dhiska Caasimadda, Dar-dargelinta Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo Taageerida dagaalka ka dhanka ah al-shabaab ee ka socda guud ahaan dalka, kaasi oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga Dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda ayaa soo bandhigay halka uu maraayo wejiga labaad ee Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal door, taasi oo hada lagu dhisaayo wadooyin muhiim ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho iyo qaabka ugu fudud oo ay Bulshada ugu qeyb qaadan karaan Barnaamijkasi hirgalay ee dalkaaga ku dhiso hal doolar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada oo kaashanaya shacabka Caasimadda in ay hormuud u noqdaan taageerada wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah alshabaab iyo sidii Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanada loo gaarsiin lahaa wixii saad ah oo ay u baahan yihiin iyo taageero weliba oo ay u baahan yihiin.

Ugu danbeyn shirka ayaa loogu hadlay La-dagaalanka Maandooriyaha, Garan-waaga, Nadaafada iyo Bilic soo celinta Caasimadda, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud, Agaasimeyaal, La-taliyeyaal, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo Howlwadeeno kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -