Somaliland oo joojisay Duulimaadyada uga yimaada Muqdisho iyo magaalooyin kale

Guddiga u diyaar garowga iyo kahor taga  caabuqa Caronavirus ee maamulka Somaliland ayaa manta soo saaray go’aano adag oo looga hortagayo in caabuqaasi uu soo gaaro deegaanada maamulkaasi sidoo kale ku faafo.

Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay duulimaadyadii magaalada Muqdisho uga imaan jiray iyo sidoo kale qaar kamid ah wadamada uu saameeyay Caronavirus sida Shiinaha, Talyaaniga, Kuuriya Koonfureed, Faransa iyo Kenya.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay in la fasaxay iskuulada , iyo goobaha kale ee waxbarada , waxaa sidoo kale la mamnuucay isku imaatinka sida shirarka, ciyaaraha , aroosyada iyo kulamada kale ee dadku isugu yimaadaan .

Halkan ka akhriso go’aamada kasoo baxay Somaliland

- Advertisement -