Maxaa ku qornaa warqad uu Madaxweyne Xaaf u soo dhiibay guddigii Aqalka sare?

Wafdigii Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka u diray Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib ugu laabtay xalay magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay sheegay in safarkooda uu guul ku soo dhamaaday.

ka dib Wadahadallo dheer oo ku saabsan xaalada Galmudug iyo khiaafka kala qeybiyey madaxda Galmudug ayaa waxaa wafdiga loo gacan geliyey qoraal ku saabsan mowqifka madaxweyne Xaaf ee khilaafka ka taagan xaaladda Galmudug iyo muranka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan kulan sagootin ah u sameeyay wafdi ka socday Aqalka Sare oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa waxaana iska wareysanay xaaladaha Maamulka Galmudug, Waxaan Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ku wareejiyay Document ay ku qoran yihiin waxyaabaha uu Maamulka Galmudug ka tabanayo Dowlada dhaxe iyo in loo baahanyahay in dowlada iyo Maamul Goboleedyada arintooda la dhameeyo oo xal laga gaaro..” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dhinaca kale waxaa safarkooda Galmudug ka hadlay Senator Cabdi Xasan Dhuxulow oo yiri: Waxaan soo gabagabeynay safarkii aan ku tegnay deganada Galmudug iyo kulamadii aan la lahayn Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan Aqalka sare la wadaagi doonaa xog sugan oo wax ku ool ah taasi oo ka turjumeysa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qodobadii aan isla soo meel dhignay..”

Wararka aya sheegay in madaxweyne Xaaf uu diyaar u yahay xal laga gaaro maamulka Galmudug dhexdiisa iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka, haddii loo fuliyo saddex qodob oo kan ugu muhiimsani uu yahay hirgelinta heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug oo u damaanad qaadaya muddo xileed cusub iyo arrimo dhaqaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -