Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad F-16 ah oo milatariga Maraykanka lahaa oo burburtay iyo Duuliyihii diyaarada oo …

Diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay F-16 ayna leeyihiin ciidamada milatariga ee dalka Mareykanka ayaa saakay oo Arbaco ah ku bur burtay xeebaha galbeed ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa baahisay in diyaarada dagaalka ay saakay bur burtay xilli ay howlgal ku jirtay, lamana oga ilaa hadda sababta ka dambeysay bur burka diyaaradan dagaal.

Duuliyihii diyaarada bur burtay waday ayaa shilkan ka bad baaday, waxaana howlgal baadigoob ah oo la sameeyay lagu guuleestay in lasoo helo duuliyihii diyaarada ee shilkaasi ka bad baaday.

Diyaaradan dagaal ee ku bur burtay Kuuriyada Koonfureed ayaa noqoneysa middii saddexaad ee nuuceeda ah ee ku bur burto dalkaasi muddo sannad gudihiisa, waxaana socda baaritaano ku baadan sababaha keenay bur burka diyaaradahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Putin oo talaabadii u horeysay qaaday & Wararkii u dambeeyey dagaalka Falastiin

Caydiid Ali

Xaaska Taliye Sirdoon oo la sameeyay iyo Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Go’aan cusub ay gaareen Xisbiyada UCID iyo Waddani (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---