Shaafi Raabi oo mudo kooban lagu xanibay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta mudo kooban waxaa lagu xanibay Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.

Shaafi Raabi ayaa xiliga lagu xanibayay garoonka Aadan Cadde waxa uu kasoo laabtay dalka Turkiga uu uga soo qeyb galay shir, waxa uuna sheegay in mudo kooban lagu xanibay garoonka lagana qaaday baasaboorkii uu watay.

Wareysi uu Shaafi Raabi siiyay Telefishinka Jubbaland ayuu ku sheegay in uusan wali garan karin sababta loogu beegsaday garoonka Aadan Cadde looguna xanibay mudo kooban, waxa uu xusay in aan wali loo sheegin waxa lagu heesto.

Waa markii labaad oo sidan oo kale garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loogu xanibo Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -