Prof. Dalxa oo sheegay in la dulmiyey, loona diiday tartanka kursigiisa Xildhibaanimo

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsanaa xildhibaanada baarlamankii 10aad ee Somalia ayaa ka hadlay talaabada looga reebay inuu u tartamo kursiga xildhibaanimo ee HOP080 oo isagu uu ku fadhiyey

Kursiga sumadiisu tahay Hop080 ayaa waxa sida ay guddiga doorashada K/Galbeed shaaciyeen waxaa isu diinwaan geliyey Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil, waxaana sidaas meesha uga baxay Prof. Dalxa.

Dhalxa ayaa sheegay in hab-raacii loo baahnaa aaan loo marin tartanka kursigan, Waxaana uu intaa ku daray in odeyaashii saxda ahaa ee beeshiisa aan talada laga qayb galin isla markaana ay dad kale howsha wataan.

“Odayashii sharciga ahaa ee beeshu lahayd sida suldaanka iyo nabad doonka guud iyo labadii bulshada rayidka kuwiiba lama aqbalin,” ayuu yiri Prof Dhalxa.

Xildhibaan Dhalxa ayaa xusay in ergada kursiga imika dooranaysa ay yihiin kuwa uu soo gudbiyay musharaxa kursiga loo xiray sida uu sheegay”.

“Ninka meesha loo waday ee ah nimanka meesha loo xiray ayaa rag uu gudbistay ayaa loo shaaciyay laguna tilmaamay dadkii soo xuli lahaa ergada dooranaysa xildhibaankooda,” ayuu intaa diray Prof Dhalxa.

Prof Dhalxa ayaa farta ku fiiqay inuu musharax yahay iyo in kale aanba la isla gaarin oo kursigii beehsiisa horeyba go’aan looga gaaray uuna jiro qof gaar ah oo lala doonayay.

Prof Maxamed Cumar Dhalxa ayaa xusay in uusan isaga doonayn in u noqdo qofkii wax dulmin lahaa islamarkana uu ku faraxsan yahay in uu dulmane noqdo.

“Aniga waxaan ku faraxsanahay in la i dulmiyo , hadiiba ay dhaceyso kii wax dulmiyay in aanan noqon oo barito aan ilaah subxaanahu watacaalaa la hortageyn oo markaas aan qofkii la dumiyay aan noqdo,” ayuu yiri Prof Dhalxa.

 

 

- Advertisement -