Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Sida quruxda badan ee Axmed Madoobe loogu soo dhaweeyay Cadaado

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayay oo kasoo duulay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Cadaado.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socda waxaa si heer sare ah magaalada Cadaado ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado.

Dadka soo dhaweenayay Madaxweynaha Jubbaland ayaa kor u hayay sawiradiisa, calanka Soomaaliya iyo calanka astaanta u ah maamulka Jubbaland, waxa ayna dadku ku dhawaaqayeen ereyo soo dhaweyn ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa in saacado ku sugnaado magaalada Cadaado , waxaana kadib usii amba bixi doonaa magaalada Dhuusomareeb uu ka dhacayo shirka ay yeelanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Ahlu Sunna oo soo bandhigay Gaadiid Dagaal iyo hub ay qabsadeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Fasax maalin ah oo la siiyey Shaqaalaha rayidka ah ee dowlada Somalia (Sababta)

Caydiid Ali

Rooble oo Magacabay guddi soo baara xaalada dhalinyarada tababarka loogu qaaday Eritrea

Caydiid Ali
Taboola Ads ---