Xukuumada Somalia oo sheegtay ineysan Wadahadal ka geli doonin Muranka Badda

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir dhinacyo badan taabanaya, balse khilaafka la xiriira dhinaca badda uu yahay mid uusan wadahadal ka furneyn oo go’aankiisa laga sugayo oo kaliya maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Mahdi ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka dhanka badda uusan labada dal ka weecin doonin iskaashigii iyo xiriirkii wanaagsanaa ee ay lahaayeen.

“Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo walaalo ah, daris ah, xiriir qota dheer oo isugu jira dhanka walaalnimada, bulshada iyo dhaqanka ayaana ka dhaxeeya. Xiriirkaasi wuu jiraa waxbana iskama baddalin. Arrinta badda oo ay dadku mararka qaar soo hadal qaadaanna waa dacwad hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, iyada ayaana go’aankeeda sugeynaa, mana jiro wax wadahadal ah oo ka furan” ayuu yiri RW ku-xigeenka oo la hadlayey BBC-da.

Isbaddalkii dhawaan ku yimid xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan ayuu ku tilmaamay mid Soomaaliya mowqifkeeda aan waxba ka baddalin.

“Arrinta ugu dambeysay annaga nagama billaabanin, waxay ka billaabatay dalka aan walaalaha nahay ee Kenya, waa tii annaguna aan ka bixinay jawaab ku saleysan diblomaasiyad ” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhanka kale, Mahdi Guuleed ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu beri oo Talaado ah ku wajahan yahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo uu halkaas uga sii horreeyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Balse waxa uu sheegay in safarka Farmaajo uu khuseeyo arrimaha ka dhaxeeya saddexda dowladood ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretaria ee la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga iyo arrimaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -