Allbanaadir.com
NEWS

Shirkad shaqaalaheeda lacag ku siinaysa inay socdaan iyo Sababta ka dambeysa !

Shirkad weyn oo kutaalla dalka Shiinaha ayaa si ay shaqaalaheeda ugu dhiirrigeliso socodka iyo luga-baxsiga, waxay soo kordhinaysa hindise qofkii maalinle u socda uu helayo abaalgud lacageed.

Shirkadda Guangdong Dongpo Paper, oo ah  sameysa waraaqaha oo ku taalla gobalka Guangdong ayaa dhawaan qabsatay hadalheynta qaran ee dalkeeda kaddib markii ay soo kordhisay aragti loo bogay oo ah in shaqaaluhu socdo kadibna uu abaalmarin ku helo.

Qorshahan ayey shirkadu la timid si sare loogu qaado heerka caafimaad ee shaqaalaha, waxa ayna muhiim u aragtay in ay soo kordhiso hindisahan oo ay filayso in uu wax badan ka beddeli doono moralka shaqaalaha.

Maskax fiyow oo firfircoon waxay ku jirtaa jir caafimaad qaba. Waxaa loo kala abaalgud badnaan doonaa hadba sida qofku u socdo. Tusaale, qofku haddii uu bisha dhan socdo 100km oo ah midda ugu badan celceliska bartilmaameedkooda, wuxuu noqonayaa qofka ugu sarreeya. Wixii ka hooseeya sida 50km iyo wixii la halmaala waxay iyaguna heli doonaan mudnaan gooni ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Qaar ka mid ah Madaxda beri ka qeyb galeysa Xaflada Caleema saarka

Caydiid Ali

Madaxda iyo Shacabka Dal Afrikaan ah oo u baroordiiqay geerida Kalluun caan ahaa !!

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay jiraan dad ku xanuunsanaya guulaha iyo hormarada dowladda gaareyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---