Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay kantaroolka waqooyi ee Gaalkacyo iyo gaadiid badan oo…

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in xalay ciidamo gadoodsan oo maamulkaasi katirsan la wareegeen koontaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada koontaroolka la wareegay oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay ka gadoodeen mushaar la’aan muddo lasoo daristay iyo xaquuqo kale oo ay sheegeen in ay kaga maqan tahay maamulka madaxweyne Deni.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ayaa xannibay gaadiidkii kala duwanaa ee koontaroolka ka gudbi jiray, waxa ayna halkaasi ku celiyeen gaadiid kala duwan oo qaarkood magaalada Gaalkcyo kusii jeedeen iyo kuwa kale oo magaalada ka baxayay.

Waxaa socda dedaalo ay wadaan masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland, kuwaa oo doonaya in ciidamada gadoodsan ay dib uga baxaan koontaroolka ay la wareegeen, iyagoona u sheegay in arrintooda la xallin doono.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo 8-dii bishan dib loo doortay ayaa marar badan ku fashilmay bixinta mushaaraadka ciidamada, waxa ayna taasi dhalisay gadood ay sameeyaan ciidamada qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka amniga Jubbaland oo ka baxay Belad-Xaawo & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Weerar lagu qaaday Kolonyo gaadiid ah uu la socday Madaxweyne Caan ah

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Mr. Workneh Gebeyehu? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---