Wasiirka amniga Jubbaland oo ka baxay Belad-Xaawo & Wararkii ugu dambeeyey

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa ka baxay degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo, isagoo dib ugu laabtay degmada Mandhera oo ku taala dhinaca kale ee xadka Kenya oo uu markii hore ka soo galay.

Janan ayaa kulamo la qaatay waxgarad iyo odayaal ka tirsan degmada Belad-xaawo kuwaasoo la xiriiray amaanka iyo siyaasada gobolka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in odayaasha degaanku ay Cabdirashiid Janan u sheegeen inuu ka laabto degmada B/xaawo, uusana dadka degaanka u soo jiidin dhibaato maadaama ay baadi goobeyso dowlada dhexe.

Sidoo kale Wasiirka amniga Jubbaland ayaa intii uu ku sugnaa halkaas kulamo la qaatay Sarakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Balad-xaawo, iyadoo aan la ogeyn waxa uu kala hadlay.

Dowlada Somalia ayaa baadi goob xooggan ugu jirta Cabdirashiid Janan ka dib markii uu maalmo ka hor ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo loo heysto inuu galay dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dowlada Somalia ayaa maanta soo saartay waren lagu soo xirayo Cabdirashiid Janan oo loo diray Booliska caalamiga ah ee Interpol si gacanteeda loogu soo celiyo loona maxkamadeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -