Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaarihii dowlad Goboleedyada ee ka socday Muqdisho oo la hakiyay iyo Sababta keentay

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda  Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Koomfur Galbeed ayaa dhankeeda xalay ku dhawaaqday in ay isaga baxeen tartanka ka socda garoonka Stadiom Muqdisho, kaddib weerarka lagu qaaday ciyaartoyda mataleysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Imaaraadka oo War cusub ka soo saartay xiisada kala dhexeysa Soomaaliya

Caydiid Ali

Qaadacaadda Doorashada ku dhisan Boobka, waa Badbaadada Qaranka Soomaaliya !

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo War ka soo saartay dagaalkii ay saaka la galeen Liyu Boolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---