Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay cawaaqibka ka dhalan lara Weerarka lagu qaaday Xuutiyiinta Yemen?

Duqeymaha Mareykanka iyo Ingiriiska  ee ka dhanka ah kooxda ay Iran taageerto ee Yemen waxay ka dhigan tahay sare u kac weyn oo ku saabsan iska horimaadka ka socda Bariga Dhexe – waxayna ku soo aadeenxili toddobaadyo uu dadaallo ku bixiyay  madaxweyne Joe Biden  si uu u qaado dagaal ballaaran.

Waxay dhaceen daqiiqad muhiimad siyaasadeed oo qotodheer ah u leh Biden uu kor u qaaday ololihiisa dib u doorashada – iyadoo ay jirto dhaleeceyn kulul oo Jamhuuriyiintu u jeedinayaan xirfadihiisa hoggaamineed ee caalamiga ah iyo siyaasaddiisa arrimaha dibedda.

In kasta oo weerarradu aanay ahayn wax la yaab leh, marka loo eego digniinaha Mareykanka ee sii kordhay maalmihii la soo dhaafay, waxay sidoo kale dhaceen maalin ka dib markii musharraxiinta madaxweynenimada ee jamhuuriga Ron DeSantis iyo Nikki Haley ay ku dhaleeceeyeen Biden inuu aad uga gaabiyay inuu u dhaqmo si uu u ilaaliyo ciidamada Mareykanka iyo hantida Bariga Dhexe.

Duqeymahan ayaa daba socda duqeymo ka sii daraya  oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada fallaagada Xuutiyiinta ay beegsanayaan maraakiibta ganacsi ee mara badda cas, oo ah marin biyood istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhaqaalaha caalamka.

Weeraradaasi waxay qayb ka yihiin olole cadaadis ah oo ka dhan ah Israa’iil iyo Maraykanka oo ay Iran soo abaabushay iyadoo adeegsanaysa xulafadeeda, islka markaana ka falcelinaysa dagaalka Gaza. Taas macneheedu waxa weeye hawlgalada Maraykanka iyo UK waxa ay wataan khatar dheeraad ah sababtoo ah waxa ay bartilmaameedsadeen danaha muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

In kastoo maamulka Biden uu quus ka taagan yahay inuu ka fogaado in lagu dhex milmo colaad cusub oo Bariga Dhexe ah, gaar ahaan ciidammada Maraykanka ee ku sugan ee Ciraaq iyo Suuriya, haddana waxay gaartay heer ay in la qaado tallaabo noqoto lama huraan. Dalabka Aqalka Cad ee ahaa in la joojiyo weerarrada Xuutiyiinta waa la iska indhatiray..

“Weeraradan la bartilmaameedsaday waa fariin cad oo ah in Maraykanka iyo saaxiibadeenu aysan u dulqaadan doonin weerarrada ka dhanka ah shaqaalaheena ama aysan u oggolaan doonin cadawga ah inay waxyeeleeyaan xorriyadda socodka mid ka mid ah waddooyinka ganacsiga ugu muhiimsan adduunka,” ayuu yiri Biden oo hadal uu soo saaray.

“Kama labalabayn doono inaan toosiyo tillaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo dadkeena iyo socodka xorta ah ee ganacsiga caalamiga ah ” ayuu intaas ku daray.

Dhinaca kale, Weerarka lagu qaaday Yemen ama  Xuutiyiinta waa dhacdo weyn oo saameyn deg deg ah ku yeelanaysa Soomaaliya Jabuuti iyo Marinka Baabul-Mendab.

Ganacsi gacankaas ku yimaada ee Soomaaliya soo gala, Haddii ay maalmuhu qaadan jireen 10 maalin hadda wuxuu qaadan doonaa 20-30 maalin.

Xuutiyiinta oo haysta taageerada Iiran, jawaabtooda lama dhayalsan karro, maalin ka hor Jabuuti waxay sheegtay in ay cabsi cabsi dareemayso, ku aadan Gantaalaha Yemen laga ridayo oo ku dhaca xeyndaabka badda cas ee ku dhow Jabuuti, maadaama mareykanku degan tahay dalkaas.

Jabuuti ayaa horey u diiday in saldhiga ciidamada Mareykanka ee dalkeeda ku yaalla laga weeraro Xuutiyiinta, si looga fogaado waxyeelo ka dhalata gantaalaha ay ku soo jawaabayaan  kooxdaas.

Related posts

Gaari lagu qarxiyey Muqdisho & sababta baajisay Meydka Yariisow oo la ogaaday

admin

(Daawo Sawirro) Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey saddex sharci oo muhiim ah

Caydiid Ali

Akhriso: Madaxweyne Farmaajo oo codsaday in cuno-qabateynta laga qaado Eritrea

Caydiid Ali