Allbanaadir.com
NEWS

Hadii aan maanta ahaan lahaa Madaxweyne Xasan sagaalkan tallaabo ayaan qaadi lahaa

1- Maanta anigaa guddoomin lahaa shirka Golaha Wasiirada.

2- Waxaan luuqad adag ku diidi lahaa heshiiskii Abiye iyo Biixi.

3- Waxaan sheegi lahaa in aan qadiyadda Soomaali Galbeed dib u furayo oo aan la aaddayo maxkamaddo Caalami ah, maadaama dhulkaas iyo dadkaas yihiin Soomaali xoog lagu heysto, walina aan laga heshiinin.

4- Waxaan safiirkeyga kala soo bixi lahaa Addis Ababa, halka safiirka Itoobiya aan dalka uga saari lahaa 48 saac.

5- Waxaan galabta aadi lahaa Masar, anigoo kala hadlaya xaalka Nile iyo suurta-galnimada ah iney i siiyan ciidan badala kuwa Itoobiya ee jooga Somalia.

6- Waxaan wasaaradda arrimaha dibada amri lahaa gudbinta gal-dacwaddeed deg deg ah oo ka dhan ah Itoobiya kaas oo loo dirayo IGAD, Midowga Afrika iyo QM.

7- Waxaan Al-Shabaab weydiisan lahaa wadahadal Qaran-badbaadin iyo xabad joojin ah, si itaalka loo mideeyo hadii mustaqbalka lagama maarmi waayo gacan ka hadal.

8- Waxaan Ismaaciil Cumar Geelle kala hadli lahaa inuu xiro xadka uu la wadaago Soomaaliya.

9- Waxaan labada Aqal ku amri lahaa iney soo saaraan diidmo ku saabsan heshiiskaas oo mustaqbalka wax goyn karta si la mid ah diidmadii Baarlamaankii 8aad ee heshiiskii badda ee lala galay Kenya taas oo caawisay Somalia markii ay socotay dacwadii badda.

Soomaaliya hadii aaney 48-da saac ee soo socota u dhaqmin una hadlin sida Qaran lab ah, Itoobiya waa dabaal degi doonta, Xasan Sheekh iyo maamulkiisuna taariikh xun ayey qaadan doonan.

W/Q: Abdullahi Osman Farah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ku dhintay dayuurad ku gubatay garoonka Sheremetyevo (Sawirro)

Caydiid Ali

OPEC iyo Ruushka oo hal arrin darteed ku heshiiyey inay yareeyaan wax soo saarka shidaalka

Cabdi Cade

Cadaadis lagu hayo Deni & Madoobe & Somalia oo cagta saartay wadada guusha

Caydiid Ali