Ciyaaryahan caan ka ah Yurub oo sanka ka jabiyay Fanaan ay murmeen !!

Ciyaaryahanka xulka Qaranka Turkiga ee Arda Turan una usoo ciyaaray kooxo waa weyn ay kamid yihiin Athletic Madrid iyo Barcelona ayaa booliiska Turkiga saacado  badan su’aalo weediiyeen kadib dagaal uu la galay fanaan caan ah.

Arda Turan oo ku sugnaa goob lagu caweeyo oo kutaala magaalada Istanbuul ayaa waxa ay isku dhaceen fanaanka caanka ah Berkay Sahin , waxaana la sheegay in ciyaaryahan Turan uu feer xun ku dhuftay fanaanka kana jabiyay sanka.

Ciidamada booliiska Turkiga ayaa mudo sadex saacadood ah waxa ay su’aalo weediiyeen Ciyaaryahan Arda Turan , waxaana la sheegay in booliiska markii dambe sii daayeen ciyaaryahanka oo hada qaab amaah ah ugu ciyaara kooxda Basaksehir .

Fanaanka uu sanka ka jabiyay Arda Turan ayaa la dhigay isbitaal kuyaala Istanbuul, waxaana la sheegay in Turan uu si xun ula hadlay xaaska fanaanka sidaasna uu ku bilowday isku dhaca labada nin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -