Allbanaadir.com
NEWS

Villa Soomaaliya oo Faah faahisay wadahadalka dhaxmaraya madaxweyne Xasan iyo Muuse Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.

Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Related posts

Axmed Madoobe oo maanta si aan caadi aheyn loo soo dhaweeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ruushka oo sheegay in diyaaradda Prigozhin laga yaabo in si ulakac ah loo soo riday

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Safar Dibadda ah u ambo baxay kadib Martiqaad loo fidiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---