Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dayuurado dagaal oo caawa duqeeyey degaan ay gacanta ku heyso Al-shabaab

Dayuurado dagaal oo aan la garaneynin cida iska leh ayaa caawa duqeymo culus ka fuliyey degaan ay gacanta ku heyso kooxda Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Gedo.

Masuuliyiin gobolkaas ka tirsan ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday degaanka Dhiigtaar oo u dhow tuulo Barwaaqo.

Dadku dhow degaanka la duqeeyey ayaa sheegay iney maqleen guuxa dayuurado dagaal iyo madaafiic darandoori ah oo sida biriqda u dhacayey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeynta lal beegsaday saldhig ciidan oo Al-shabaab ay ku leeyihiin degaanka la duqeeyey.

Wax faahfaahin ah lagama hayo illaa hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan xili oo habeen ah iyo isgaarsiinta degaanadaas oo liidata awgeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirro kormeeray Buunadda Buuloburde oo dhawwaan Al Shabaab qarxiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Feysal Waraabe oo oggolaaday muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Biixi

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo Ammar siiyay saraakiisha Laamaha Ammaanka ee Baladweyne jooga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---