Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Musharaxiinta doorashada Puntland oo war ka soo saaray go’aankii SSC

Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo maanta Shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Mowqifkooda go’aankii SSC-Khaatumo kaga baxeen maamulka Puntland iyo Arrimaha doorashada.

Musharrixiinta ayaa caddeeyay in aysan aqbali doonin xildhibaanno ku soo baxay Habraac baal-marsan saxiixi Isimada ku soo xuleen Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland doorashadii Dec 2018.

Qoraal ka kooban laba bog oo ka soo baxay Musharrixiinta ayay ugu horrayn ku sheegeen in ay ixtiraamayaan go’aanka isimada iyo Maamulka SSC-khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland, balse waxay intaas raaciyeen in loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay, si loo kala guro labada Maamul.

Golaha Musharrixiinta Puntland ayaa sidoo kale isku raacay in aan ka hor 31 Dec 2023 la soo xuli karin xildhibaannada laga soo doorto SSC, inta laga helayo heshiis siyaasadeed oo xukuumadda iyo musharrixiinta Mucaaridka ah ka gaaraan soo xulista 17-ka xildhibaan ee reer SSC.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA MUSHARAXIINTA

Related posts

Qarax Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Gudoomiye Degmo oo saakay lasoo taagay Maxkamada ciidamada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qodob kamid ah Heshiis hoose ay wadagaareen Isra’il iyo Sudan oo Hirgalay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---