Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal mar kale ka qarxay degaanka Jeex jeex iyo ciidanka Xoogga dalka oo..

Dagaal culus ayaa ka socda degaanka Jeex jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug oo ay gacanta ku hayeen xoogaga Al-shabaab

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanku ay weerareen degaankaas.

“Kumaandooska xoogga dalka ee Gor-Gor ayaa weerar Culus ku qaaday goobo ay isku aruursanayeen Maleyshiyaadka Khawaarijtu waxaana lagu jabiyey difaacyadii ay gabaadka ka dhiganayeen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in Ciidanka ay Guul weyn ka gaareen Dagaalka maanta isla markaana al shabaab laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay haatana la sii baacsanyo firxadkooda.

Lama oga weli khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalka.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa maalmahanba ku sii siqayey degaanka Caad oo ka mid ah meelo fara ku tiris ah oo Al shabaab ay ka joogaan gobolka Mudug

Related posts

Villa Somalia oo diyaarisay qorshe halistiisa wata oo Mucaaradka fahansaneyn !!

Cabdi Cade

DF oo walaac ka muujisay Mid ka mid ah bukaanada cusub ee laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Wasaarada Degaanka iyo Isbedelka Cimilada DF oo digniin u dirtay shacabka Cadale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---