Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Magaalada Prague (Sawirro)

Nin hubaysan ayaa gelinkii dambe ee maanta rasaas ku furay dhisme jaamacadeed oo ku yaala bartamaha magaalada Prague, isagoo dilay ugu yaraan 15 qof isla markaana argagax weyn ku beeray dad ku sugnaa dhismahaas.

Waa toogashadii ugu xumayd ee nooceeda ah ee ka dhacda dalka Jamhuuriyadda Czech, sida ay sheegeen booliiska iyo adeegga gurmadkadalkaas.

Dhiig daadanaya ayaa qulqulay dhismaha waaxda falsafada ee jaamacadda Charles, halkaas oo ninka toogashada geystay uu arday ka ahaa sida uu sheegay taliyaha booliiska Prague Martin Vondrasek.

Booliska ayaan wax tafaasiil ah ka bixin sababta ka dambeysay toogashada ka dhacday dhismaha ku yaala agagaarka wabiga Vltava ee fagaaraha Jan Palach.

Wasiirka arrimaha gudaha Czech Vit Rakusan ayaa sheegay in baarayaashu aysan ka shakin illaa hadda in qofka weerarkaas geystay uu xiriir la leeyahay fikrado ama kooxo xagjir ah.

Pavel Nedoma, oo ah agaasimaha Rudolfinum Gallery oo ku dhow, ayaa sheegay inuu daaqadda ka arkay qof taagan balakoonka dhismaha oo qori ku tooganaya dad halkaas ku sugnaa.

Booliska ayaa sheegay in ay wali baarayaan goobta uu weerarku ka dhacay oo ay ku jirto balakoonka. sida uu sheegay duqa magaalada Prague Bohuslav Svoboda.

Dhismuhu wuxuu ka kooban yahay qayb ka mid ah fagaaraha wuxuuna wajahayaa buundada wabiga ka gudubta oo ku aadan fadhiga madaxtooyada Czech.

Madaxweyne Petr Pavel ayaa sheegay inuu aad uga naxay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -