Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjire Fei Shengchao oo deeq lacageed ku wareejiyey dowlada Somalia (Sawirro)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta waxa uu Dowladda Shiinaha kala wareegay lacag dhan 1,000,000 (Milyan Dollar).

Deeqdan ayaa loogu talo galay gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee ay sababtay El-NiƱo.

Lacagtaan ayaa dowladda Shiinaha waxay ugu talagashay in lagu daabulo Raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.

Deeqdaan lacagta ah waxaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ku wareejiyey Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya Mudane SaH.E Fei Shengchao.

Related posts

Shirkadaha Diyaaradaha oo lagu amray in aysan Muqdisho kasoo qaadi karin dadka aan Gedo laga rebin

Cabdi Cade

Wefdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulan Xasaasi ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---