Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo goordhaw is casilay iyo Sababta keentay

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa goordhaw shaaciyay in uu iska casilay Xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda uu hayya.

Qoraal uu wasiirka goordhaw soo saaray ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya, waxa uuna sheegay wasiirka in si hufan oo daacidnimo ku jirto kusoo shaqeeyay intii uu xilka hayay.

“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu yiri Wasiir Haruuse.

Sida aan wararka ku helnay wasiirka is casilay ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo bisha Janaayo la filayo in ay ka qabsoonto magaalada Garawe, wasiirka ayaana taageero weyn ka helaya madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda heysa talada Soomaaliya uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in xoolo iyo xeyladba ku bixinayaan sidii uu xilka madaxweynaha Puntland looga wareejin lahaa Siciid Deni uuna booskaasi ugu soo bixi lahaa Abshir Haruuse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -