Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo talaabo cusub qaadaya ka dib beegsiga Maraakiibta Israel

Xuutiyiinta Yemen oo ay Iran taageerto ayaa ogolaaday wada-hadallo dhexdhexaadinayso dowlada Cumaan oo ku saabsan hawlaha” ay ka wadaan badda cas iyo badda Carabta wadahadalkaasoo ay la yeelanayaan “dhinacyada caalamiga ah”, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxda.

Afhayeenka kooxdaas Moxamed Cabdisalaam ayaa sheegay in kooxdu ay sii wadi doonto beegsiga maraakiibta Israa’iil ama maraakiibta u socda Israa’iil ilaa “gardarrada iyo go’doominta” Qaza laga soo afjarayo.

Afar ka mid ah shanta shirkadood ee ugu waaweyn caalamka ee maraakiibta ayaa hadda hakiyay maraakiibtooda inay maraan badda cas, sababtoo ah weerarada gantaallada ee fallaagada Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas waxay bartilmaameedsanayaan maraakiibta maraya aaggaas ee ka soo baxay ama ku sii jeeda Israel.

Waxay ku dhawaaqeen inay taageersan yihiin Xamaas, waxayna sheegeen inay beegsanayaan maraakiibta u socdaalaysa Israa’iil.

Related posts

Raisul Wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ruushka oo duqeymihii ugu badnaa ku ekeeyey magaalooyinka Ukraine

Caydiid Ali

Fanaan caan ah oo ku Geeriyooday Munaasabad uu heeso ka qaadayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---