Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada ATMIS oo laga wareeginayo sugida amniga Madaxtooyada Soomaaliya

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMISĀ  ayaa sannado badan kaddib wareejinaya sugida amniga xarunta madaxtooyada Soomaaliya, oo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa booliska sida gaarka ah u tababaran ayaa maalinta berri oo Axad ah si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee Madaxtooyada Villa Somalia .

Amniga guud ee Madaxtooyada oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa horay gacanta ugu hayay tan iyo sanadkii 2007-dii ciidanka Midowga Afrika ka socday howlgalkoodii horey AMISOM iyo midka hadda ATMIS.

Tallaabadan ayaana horu dhac u ah lawareegida amniga Soomaaliya ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya , waxaana la filayaa in ciidanka nabbad ilalainta u jooga Soomaaliya ay si tartiib tartiib uga baxaan dalka.

Ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo kuyaalla magaalada Muqdisho, kuwaa ay ku jiraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekadda weyn ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo wafdi culus u dirtay shirweynaha Arab States-China Cooperation Forum

Caydiid Ali

Sheekh Shaakir oo shaki galiyay Heshiiskii Ahlu Sunna iyo Dowlada Qoraalna soo saaray

Cabdi Cade

Dowladda Somalia oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Muqdisho Stadium & Farmaajo oo booqday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---