Madaxweyne Waare oo ka horyimid shir ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada

Magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa dhawaan lagu wadaa in ay shir ku yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana shirkan ka maqan maamulka Hirshabelle oo xubin ka ahaa golahan.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kamid ahaa madaxda Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee magaalada Kismaayo ku gaaray go’aankii xiriirka loogu jaray dowlada Federaalka, hasa ahaatee Hirshabelle ayaa go’aankaasi ka laabatay.

Maxamed Cabdi Waare oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in uusan sharci aheyn shir maamulkiisu ka maqan yahay in ay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay ka kooban yihiin shan maamul, waxa uuna cadeeyay in afar kamid ah maamulada in aysan go’aan ama talo kaligood aysan gaari karin.

“Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada wuxuu ka kooban yahay shan maamul, haddii talo afar gooni u gaarto Golaha Iskaashiga ma ahan, annaga sharciyada iyo jadwalka noo yaalo iyo wax aan ku balanay waa in aan dhammaanteen wax isku raacno”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynhe Waare ayaa sheegay in Madaxda kale ee golaha ay ka gadi waayeen go’aankooda ay ku taageereen dowlada, waxa uuna cadeeyay Golaha Iskaashiga aysan gaari karin go’aan ay Hirshabelle ka maqan tahay.

Maamulka Hirshabelle ayaa ka laabtay go’aankii Xiriirka loogu jaray dowlada Federaalka ee kasoo baxay Shirkii Kismaayo, waxaana Madaxweynaha Hirshabelle heshiis hoose la galay dowlada Federaalka taas oo dhabar jabin ku noqotay Golaha Iskaashiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -