Allbanaadir.com
NEWS

Qoorqoor iyo xubno kale oo booqday halka laga dhisayo dekeda Hobyo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye  iyo Wafdi uu hoggaaminayo kana kooban ayaa booqday halka ay khubarada dhiseysa dekadda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso Dekadda.

wafdiga waxaa qeyb ka ahaa xildhiaanno ka tirsan BFS, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Mudane Axmed Cabdi Kaariye  ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekaddu u baahantahay aan la deegaameyn karin, wuxuuna faray ha’adaha amniga iney la shaqeeyaan guddiga loo xilsaaray dhismaha Dekadda Hobyo.

Dekadda Hobyo ayaa dhawaan la bilaabi doonaa dhismaheeda, waxay qayb ka tahay kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ee loo qorsheeyay in dalka laga hergaliyo si dalka dhaqaale ahaan isugu filnaado.

Related posts

(Sawirro) Joe Biden oo loo dhaariyey Madaxweynaha 46aad ee dalka Maraykanka

Caydiid Ali

Putin oo laga yaabo in uu booqdo dal katirsan NATO Xilli ICC amartay in lasoo xiro

Cabdi Cade

Lacagta la siinayo qoysaska dadkii ku dhintay shilalkii Boeing 737 Max oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---