Duulimaadyadii gudaha Mareykanka oo saacado badan la hakiyey+Sababta (Sawirro)

Duulimaadyadii hawada ayaa si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaya guud ahaan Mareykanka ka dib markii ay hakad ku jireen saacado badan sababo la xiriira cillad dhanka qalabka garoomada ah.

Rakaabkii diyaaradaha ee ku sugnaa gudaha dalkaas ayaa waxaa soo food saaray khalkhal iyadoo dhammaan duulimaadyadii gudaha la joojiyey saacado badan

In ka badan afar kun oo duulimaad ayaa dib u dhacay waxaana la joojiyay in ka badan lix boqol.

Muuqaalada iyo sawirada Rakaabka ayaa qabsaday baraha bulshada iyagoo muujinaya carada ku aadan safarrada dib u dhaca uu ku yimid.

xoghayaha gaadiidka Mareykanka Pete Buttigieg ayaa ku sheegay in masā€™uuliyiintu ay ka shaqeynayaan sidii ay u xallin lahaayeen sida ugu deg dega badan

Aqalka Cad ayaa sheegay inaysan jirin wax caddaynaya inuu dhacay weerar dhanka internetka ah, iyadoo Madaxweyne Biden uu amray in baaritaan lagu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -