Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarinta Nashqada biyo mareennada magaalada Muqdisho oo laga wada hadlay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Madaxa Hey’adda UNOPS Dr. Ala.a Nemer, ayaa ka wada hadlay sidii loo da-dajin lahaa diyaarinta naqshada biya-mareennada Magaalada Muqdisho, kadib sahmin iyo daraasad ku aadan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada lagu qabo Biya-mareenadan oo ay isla sameeyeen Dowladda Hoose ee Xamar iyo UNOPS.

Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay diyaarinta dhameystirka naqashdaha biya-mareennadan (Masterplan for Trunk Drainages for Mogadishu City) iyo dardargalinta fulintooda, sidoo kale in dib loo hagaajiyo biya-mareennadi hore si xal waaro looga helo dhibaatada ay ku hayaan biyaha Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa isla qaatay qaabka ugu wanaagsan ee loo xallin karo maareynta biyaha roobka ee Magaalada Muqdisho iyadoona la isla qaatay in la dhameystiro wejiga koowaad ee naqshada si loo bilaabo dhisamaha biyo mareenka qeebtiisa ugu horeysa bilaha ugu horeeya sanadka cusub ee 2024.

Related posts

Xisbullah oo duqeysay goob ay shir ku lahaayeen Askar Israa’iiliyiin ah

Cabdi Cade

C/raxmaan C/Shakuur oo eedeeyey Wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo Shuruudo ku xirtay bixinta Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---