Colaad lix sano aafeysay Magaalo ku taala Koonfurta Somalia oo la soo afjaray (Daawo Sawirro)

Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marko ee Xarunta Sh/hoose.

Ciidamada ayaa maleeshiyaadka ka soo saaraan daaro dhaadheer oo muddo dhufeyso iyo aagag dagaal u ahaa labada dhinac, waxaana ugu dambeyn la isugu keenay barxad weyn oo ku taala bartamaha magaalada.

Saraakiisha Ciidanka ayaa halkaas kula hadlay maleeshiyaadkaas, iyagoo ku wacyi geliyey ilaalinta nabadda, qiimaha dowladnimada iyo in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah cadowga umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Horjoogeyaashii kooxahan dirirtu ku dhex martay magaalada Marka ayaa soo bandhigay dhibaatada iyo nolol xumida ay ka dhaxleen colaadda soo jiitamaysay muddada 6-da sano ah, iyagoona ballan qaaday inay ka shaqeynayaan horumarinta deegaankooda iyo xoojinta isku duubnida bulshada magaalada Marko.

Sidoo kale, waxgaradkii magaalada Marka ee goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in colaaddan ay ahayd mid ay ka shaqeeyeen Alshabaab, balse haatan loo midoobay sidii gobolka oo dhan looga xoreyn lahaa.

Dhinaca kale, shacabka magaalada Marka ayaa isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada si ay u muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ku aaddan heshiisiinta dadkan walaalaha ah iyo dib u soo celinta isu socodka magaalada.

Labo maleeshiyo beeleed ayaa muddo ku dhow lix sano ku dagaalamayey magaalada Marko iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, waxaana burburay heshiiyo nabadeed oo colaadaas marar badan laga gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -