Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hogaamiyihii Abaabulay Qaraxii masaajidka Daarul Faaruuq oo Xukun adag lagu riday

Maxkamad heer Federaal ah oo kutaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday hogaamiyaha koox qarax ku weerartay Masaajidka Daarul Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota.

Emily Haris oo hogaaminayay kooxda weerarka ku qaaday masaajidka Daarul Faaruuq ayaa lagu helay dhamaan dacwadihii lagu soo oogay, waxaana ninkan maxkamada kiiskiisa gacanta ku heysay ku riday 53-sano oo xabsi ah.

Maamulaha Masaajidka Daarul Faaruuq Imaam Maxamed Maxamuud Maxamed Carab ayaa si weyn usoo dhaweeyay xukunka adag ee xabsiga ee lagu riday ninka weerarka hogaaminayay, waxa uuna tilmaamay in guul usoo hoyatay muslimiinta Minnesota.

Ku-simaha xeer-ilaaliyaha maxkamadda heer Federaal ee gobolka Minnesota Andres Folk  ayaa sheegay in dhammaan dadkii ay wareysteen ay isku raaceen xanuunka iyo niyad jabka weerarkan oo ahaa mid “islaam naceyb ahaa”.

Weerarkan lagu qaaday masaajidka Daarul Faaruuq ayaa ahaa mid islaam naceyb ahaa, waxaana xukunkan lagu riday ninkii weerarkan soo abaabulay oo 50-sano jir ahaa soo dhaweeyay Muslimiinta kunool dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa Minnesota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheeko Jaceyl: Dhimasho ayaan ka Xigaa in aan dib kusoo Jeclaado!!(Qeybta 3 aad)

Cabdi Cade

Madaxwewyne Deni oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Wariye Jamal Khashoggi oo Mareykanka gaaray

Cabdi Cade